WAXA KA BARO TAARIIKHDA MACALIM CABDILLAAHI MUUSE QAALIB OO KOOBAN.
Ustaadad Cabdillaahi Muuse Qaalib waxa uu ka mid yahay barayaasha qarsoon ee soo saara ardayda ugu tayadda saraysa dhinaca waxbarashadda isla markaasina ugu cilmi badan dhamaan dalka Soomaaliland. Ustaadad Cabdilahi Muuse Qaalib wuxa uu ku dhashay magaalada ARABSIYO ee galbeedka magaaladda Hargeisa sannadkii 1954, halkaasi ayuu ka bilaabay oo u ku soo qaatay malcaamadi Quranka iyo Dugsigii Hoose/Dhex, ka dib waxa uu ku biiray Dugsigii sarre ee sheekh, halkaasi oo uu ku soo qaatay waxbarashadii dusigga sarre, ka dib waxa uu waxbarashadiisi jamacadeed ku soo qaatay jaamacadi umadda somaliyeed ee Lafoole, qaybteedda Tacliinta ( Education) . Dedaalkii badnaa ee uu bixiyay Barahani waxa uu u saamaxay inuu shan sanno ka dib ka noqdo Barre, isla jaamacaddii uu dhigtay. Ustaadad Cabdilahi Muuse waxa dabayaaqadi sagaashamaadki loo diray waxbarasho bilaasha ah ( SCHOLARSHIP ), wadanka hindiya. Waxa uu halkaasi kusoo diyaariyey waxbarashadda sarre ee loo yaqaanno ( Master - ta )...